Daawo Cali Geeddi: “Erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka Madax horay dalkaan u soo hoggaamisay”

cali maxamed geedi

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo haatan hoggaamiya Xisbi siyaasadeed ayaa sheegay in hadalo ka soo yeeray Mas’uuliyiin dalka soo hoggaamisay uu qalbi jab iyo niyad xumo ku ridayo shacabka Soomaaliyeed.

Cali Maxamed Geeddi oo inta badan lagu tiriyo dhanka dowladda Federaalka, isla markaana looga bartay inuu hadlo marka dowladda culeys siyaasadeed soo koro ayaa sheegay wax laga xumaado ay tahay in hadalo aan laga fileyn ay ka soo yeeraan Siyaasiyiin dalka soo hoggaamisay.

“Waxaa ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee madaxda ka ah xisbiyada ee dalkaan soo hoggaamiyay waqtiyo kala duwan inay yareeyana xasaradaha dhibaatooyinka shacabka dhibsanaya oo u keeni kara niyad jab ay ka niyad jabaan dowladnimo soomaaliyeed, shacabka uma dulqaadan karo, mas’uuliyadda waa la wadaagaa, erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka siyaasiyiin saaxibo ah, walaalo ah oo aan looga baahneyn inay sidaas u dhaqmaan”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xurmeyso madaxdii hore ee dalka, isla markaana dhowrto mansabka ay leeyihiin.

“Dowladda Soomaaliya ee hoggaanka Mas’uuliyiinta ah waxaa laga rabaa inay madaxdii ka horeeyay soo dhoweeyaan inay xurmeeyaan, inay mansabka ay leeyihiin ee qaranka shaarkiisa horay u soo howdeen inay ku dhowraan ayaa laga rabaa, maadaama aanay boqoortooyo ah oo berri xukunka ka degi karaan una baahan karaan in iyagana la xurmeeyo”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la yareeyo xasaradaha iyo dhibaatooyinka umadda soomaaliyeed gaari kara, haddii la abuuro qalalaaso siyaasadeed iyo mid milateri, isla markaana la qaboojiyo xaalada

Halkan hoose ka daawo 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here