Daawo Cumar Filish oo ku baaqay in la dilo mucaaradka una soo daliishaday aayado qur’aan ah

cumar filish2

Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa si adag uga hadlay shirka Musharaxiinta iyo dhaq-dhaqaaqyada ay maalmihii u dambeeyen ka wadeen Muqdisho.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in aan marnaba lagu cabsi gelin karin qalalaase iyo falal ka dhan ah amniga, xili uu maanta hadal ka jeedinayay munaasibad lagu sheegay in looga tashanayo aayaha beelweynta Hawiye, oo ay soo abaabuleen Hawiyaha ku xiran dowladda.

Waxa kale oo uu sheegay in aysan aheyn wax la aqbali karo ‘in loogu cago jugleeyo in Hawiye uu qori soo qaadan doono’, isagoona xusay inaysan sax aheyn midaas, maadama uu ku dooday in shaqsiyaad uu kamid yahay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo beeshaasi ka soo jeeda uu ka tirsan yahay dowladda Farmaajo.

“Guddoomiyihii gobolka ahay, mas’uuliyada amaankuna aniga ayey isaaran tahay, anuu Hawiye sow ma ihi, ma duurka kamid?. Kuma dhacaan inay xasilooni daro abuuran ee kuwo soo diray ayey u muujinayaan inay shaqeeyen,” ayuu yiri Filish.

Guddoomiyaha oo u muuqda mid si weyn uga carooday dhaq-dhaqaaqyada mucaaridka iyo siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ka wadaan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka laga soo dirtay dalal shisheeye, isla markaana ay fulinayaan qorshayaal lasoo waariday.

Filish ayaa sidoo kale sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo jira Suratul Axzab.

Aayadahaas ayaa ah:

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا (60) مَلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوا أُخِذُوا وَقُتِّلُوا تَقْتِيلًا

Hadalka Filish ayaa waxaa durba ka dhashay dhalleeceyn xoogan ayada oo baraha bulshada aad looga dhaliilay inuu ku baaqo dil.

Hoos ka daawo Cumar Filish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here