Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo gaaray Ex Kontrool Afgooye ayaa sheegay in dad ka badan 90 qof ay ku dhaawacmeen Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool.
Duqa Muqdisho waxaa uu sheegay in tiradda dhimashadda aysan yareyn, islamarkaana aan wali la xaqiijin, maadaama uu socdo gurmad xooggan oo dadka ay waxyeeladu soo gaartay loo sameynaayo.
Dadka ay waxyeelado soo gaartay waxaa ka mid ah Arday Bas saarneyd oo kusii jeeday mid ka mid ah Jaamacaddaha Muqdisho oo dhaawac iyo dhimasho noqday iyo Enjineero Ajnabi sidda uu xaqiijiyay duqa Muqdisho.
Isbitaallda Magaalada Muqdisho ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyo fara badan oo waxyeelo ay soo gaartay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye.