Daawo Fadeexad: Waa in Wasiir Khadiija xilka laga qaado hayadaha Caafimaadkuna dib u baaraan

kheyre iyo khadiija

Fadeexad aad weyn ayaa ka dhacday madaar Muqdisho ee Adan Cade kadib markii Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Garoonka ka soo degtay ay diiday in laga baaro xanuunka halista ah ee CORONAVIRUS.

Muuqaalkan ayaa muujinaya wasiir Khadiija oo mar ay kasoo degaysay diyaarad rakaab ah diiday in laga baaro xanuunka, taas darteedna ay ka xanaaqeen hawlwadeenaddii caafimaad ee garoonka loo geeyey inay ka hortagaan Xanuunkan oo ay ka baaraan qof kasta oo kasoo degaya garoonka, si cudurka uusan dalka usoo gelin.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa markii ay kasoo degto diyaaradda waxaa qalabka lagu baaro dadka dhankeeda ula tallaabsaday nin ka mid ah dadka ku howlan baaritaanka dadka soo degaya, balse Khadiiro ayaa iska wareejisay ninka, kadibna gudubtay iyada oo aan la baarin.

Intaas kadib waxaa gees isugu baxaya shaqaalihii loo xilsaaray baaritaanka dadka garoonka kasoo degaya, iyagoo caro ka muujinaya u hoggaansami la’aanta nidaamka u degan garoonka ee wasiir Khadiijo sameysay, waxaana dhamaan diyaaradda kasoo degay dadkii kale ee rakaabka ahaa, iyadoo aan la marsiin wax baaritaan ah.

Inkastoo kaamirada duubtay dhacdadaan aysan laheyn wax maqal ah, hadana waxaa muuqaneysa, in sababta dadka kale ee rakaabka ah loo baari waayey ay tahay, in shaqaaluhu ka caroodeen u hogaansami la’aanta nidaamka garoonka ee wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ay ku kacday.

Arintaan ayaa muujineysa dhibaatada ay leedahay hadii qofka masuulka ah uu u hogaansami waayo ama uu iskala weynaado nidaamka iyo sharuucda dalka u yaalla, waxayna khatar caafimaad gelisay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Sida hada ka muuqata dhacdadaan ma jirto sabab dadka shacabka ah loogu canaado nidaam ay iska diideen mas’uuliyiintii loo doortay dalka, waana tan kalifay in dadkii kale la baari diido, markii ay baaritaanka diiday wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo aheyd qofkii koowaad ee kasoo degay diyaaradaas kasoo degtay garoonka Aadan-Cadde.

Dhacdadan foosha xun ayaa loo baahan yahay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Kheyre ay si deg deg ah xilka uga xayuubiyaan Wasiir Khadiijo dabadeedna Ciidamada amaanku qabtaan oo hayadaha Caafimaad khasab ugu gacan geliyaan, si ay waajibaadkooda uga gutaan, haddii Farmaajo iyo Kheyre ay Khadiija talaabo ka qaadi waayeen, waxaa beenoobaya dhamaan hal ku dhigyaddii ay Bulshada u sheegi jireen.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Dib ugu soo laabashadeydii dalka.

Slået op af Hon Khadija Mohamed Diriye i Tirsdag den 25. februar 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here