Daawo M FARMAAJO: Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo dhan waa shaqo doono

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta horjeedda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ay yihiin shaqo doon,  sidaasna ay ku mucaaradayaan dowladiisa.

“Siyaasiyiinta bannaanka taagan ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’iideysan, qaar waa aamusan yihiin, qaarna dagaal ayey ku jiraan, oo in lugaha la haayo, hebel waa qeylinayaa ee bal haloo yeero, waa caqabad dad badan ku baraarugsaneyn” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa siyaasiyiintii maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka hadlayay oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku tilmaamay kuwa xanaaqsan oo maamulkiisa kasoo horjeedda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabaqado weyn ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska la ah Soomaaliya, maamul goboleedyadda, Khaliijka Carabta iyo meelo kale.

Maamul Goboleedyada ayuu ku eedeeyey inay isku dayayaan la wareegitaanka awoodda Dowladda Dhexe iyagoo adeegsanayo Dowladaha dariska sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda ayuu sheegay in ay dadaal badan ku bixisay in ay ka hortagto Khilaafaadka soo gala dhex gala Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo baarlaamanka.

Daawo khudbadda madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here