Daawo Rooble oo gurigiisa ugu tegay Imaamka kana raaligelyey dhacdadii shalay

rooble iyo imaam m yuusuf

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf,  oo shalay lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho. 

Rooble ayaa ugu horeyntii raaligelin ka siiyay Imaamka Mudullood falkii ay shalay kula kaceen ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya, xili uu marayay xabsiga Dhexe hortiisa.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu xun yahay falkaas, isla markaana uu ka xaal bixinayo, isagoona xusay in laga daba tagi doono, oo uu aad uga murugoonayo.

“Maanta halkaan waxaa u imid mas’uul ahaan in aan idinla wadaago wixii dhacay shalay oo ah wax xun oo aad looga tiiraanyoodo, waana ka tacsiyadeynayaa imaamkeyga,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Imaamka waxa ku dhacay keliya asiga kuma dhicin ee anigana waa igu dhacay sababtoo ah imaamka wiilkiisaan ahay, waa imatala imaamka, in aad taas ogaataan waaye, cid iga xigtana majirto oo waxaa ahay garabkiisa”.

 Sidoo kale waxa uu caafimaad ilaahay uga baryay odayaashii la socotay ee wax kasoo gaareen rasaastii shalay la furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here