Daawo RW Kheyre oo booqday xeryaha ciidamada ee magaalada Xudur

0
kheyre xudur

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa weli ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamo loo qaramayn doono dowladda Soomaaliya lana dagaalami doona ururka Alshabaab.

Khayre oo la hadlay ciidanka ayaa ku ammaanay sida ay naftooda ugu hureen difaaca iyo badbaadinta umadda Soomaaliyeed isagoona u balan qaaday inay heli doonaan xuquuqdooda.

DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here