Daawo Salaad Cali Jeelle oo dhulka ku jiiday siyaasiyiintii tagtay Kismaayo

salaad cali jeelle

Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah siyasiyiintii ugu horeysay ee Dawladnimada Xamar keenay, ayaa weerar culus ku qaaday siyaasiyiintii iyo madaxdii hore dalka usoo maray ee ka qeybgalay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha lagu muransan yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Salaad Cali Jeelle ayaa madaxdii iyo siyaasiyiintii ka qeybgalay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe ku tilmaamay inay yihiin kuwa u shaqeenayo wadamo shisheeyo oo loo adeegsanayo niyad jabinta shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeelle ayaa siyaasiyiintii iyo madaxdii ka qeybgashay Xafladdaas u kala qeybiyey laba qeyb.

Qaar ka tirsan kuwaas ayuu sheegay inay yihiin kuwa horey ugu fashilmatay xukunka oo dayacay dalka, isla markaasna hadda doonaya inay xukunka kusoo noqdaan.

Qeybta labaad ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa dalaaliin ah oo siyaasadda ugu jiro inay lacag ka abuuraan, islamarkaana ay ganacsi ka raadiyaan la dagaalanka Xukuumadda talada heyso.

Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale ka hadlay khudbadii uu Xafladda Caleema saarka ka jeediyey guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaalle oo uu ku tilmaamay inay aheyd mid dhibaato ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan nasiib darro aheyd inay u sacbiyaan madax soo maray dalka.

Wuxu Aadan Barre Ducaalle ku eedeeyey inuu kamid yahay dadkii Dowladda Kenya ku qalqaaliyey inay muran geliso Badda Soomaaliya.

DAAWO:

Jawaabta Salaad Cali Jeelle

Salaad Cali Jeelle ayaa laba u kala qeybiyey siyaasiyiintii tagtay magaalada Kismaayo.

Slået op af Caasimada Online i Søndag den 13. oktober 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here