Daawo: Salaad Cali Jeelle oo u digey Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud

salaad cali jeelle

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah la taliyaasha Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay eedeynta uu u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran isagoo ugu baaqay Madaxweynayaashii hore inay sugaan inta waqtiga uga dhamaanayo dowlada hadda jirta.

Shirka Jaraa’id ayuu Salaad Cali Jeelle waxa uu ku sheegay in loogaga baahan yahay Madaxweynayaashii hore ee dalka inay lafahooda u turaan sharcigana dhowraan.

“Waxaan ugu baaqayaa kooxda ama xisbiyada madasha qaran sameystey inay ilaaliyaan shuruucda dalka iyagoo ku fikiraya inaysan dhibaato isu keenin maxaa yeelay colaad dalka nin guul uga keena waa la waayay.”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Shirka jaraa’id ayuu Salaad Cali Jeelle waxa uu si weyn ugaga hadlay xilliga ay dowlada maamuleyso dalka isagoo ku taliyay in aan lala hadlin dowlada illaa ay xilligeeda ka dhamaysato.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay jeediyay hadal kulul oo uu ku dhaleeceeyay dowlada federalka isagoo kula taliyay dowlada in ay isbedel sameyso.

Halkan hoose ka daawo Salaad Cali Jeelle oo ka hadlaya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here