Daawo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si adag uga hadlay shirkii Mudulood

xasan daahir awey

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo soo duubay muuqaal cusub, ayaa si adag u weeraray Shirkii Mudulood.

Xasan Daahir, oo muuqaallo soo duuba ayaa sheegay in beesha Abgaal ay tahay beesha kaliya ee laga helo dad qur’aanka yaqaan, haddana mooryaan ah.

“Waxaa yaab leh dhallinyarda beelaha kale markaad ka wacdiso oo aad ka reebto munkarka waa ku maqlayaan, laakiin Abgaalka kuma dhageysanayaan, waxay ku leeyihiin “wax qaldan miyaan sameeyey?” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir waxa kale oo uu sheegay in beesha Abgaal aysan galin derisnimo, oo aan lala noolaan karin. “Abgaal cirif la dego ma lahan ee waxay leeyihiin calool la dego” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay beel aan wax iska maqal, oo odayaasha aan dhageysan.

Waxa kale oo uu yiri “ma ahan beel lala xidido, waayo ma dhowraan wiilka ay abtiga u yihiin.”

“Abgaal hiilo ma lahan, oo wanaagag isuguma hiiliyaan, waxanaa caddeyn u ah inaysan u hiilin markii Maxamed Siyaad Barre uu dilay Slaad Gabeyre Kadiye,” ayuu yiri.

Muuqaalka Xasan Daahir ayaa jawaab u ahaa shirkii beesha Mudulood ay dhowaan ku yeelatay magaalada Muqdisho.

Daawo Sheekh Xasan Daahir Aweys

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here