Daawo Xasan D Aweys: Sh. Shariifow ragna ma haysid mabdana ma haysid ee dadka haku meel gaarin

xasan daahir aweys

Xasan Daahir Aweys oo maxbuus u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus oo aan loo meel dayin ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed horeyna ay iskala tirsanaayeen Maxaakiimtii islaamiga.

Xasan Daahir Aweys ayaa Shiikh Shariif ku eedeeyey inuusan isaga cadowga iyo mooryaanta ka saarin dalka balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna mid cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

Wuxuu ku eedeeyey inuu Shiikh Shariif yahay nin dadka ku daneysto  markii dantiisa uu gaarana meel cidlaa uga tago.

Xasan Daahir ayaa Shiikh Shariif ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo.

” Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Shiikh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Shiikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo si toos ah muuqaal uga soo galay bartiisa Facebook.

Xasan Daahir Aweys ayaa Shiikh Shariif ku eedeeyey inuusan ka cabsaneyn in dadka nacaan, wuxuuna sheegay inay jiraan dad badan oo Shiikh Shariif ku qatalan.

Wuxuu ugu dambeyntii sheegay inuu Shiikh Shariif ka quustay markii uu codka siin waayey Xasan Shiikh Maxamuud waqtigii Doorashada.

” Markii ugu dambeysay Xasan Shiikh ayuu siin waayey 40 cod oo uu heystay xilligii doorashada, Howsha waxay aheyd qabiil, markii uu codka siin waayey ayaan ka quustay Shiikh Shariif” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Xasan Daahir Aweys

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here