Dab xoog leh oo ka kacay dekadda magaalada Beirut

qarax dekada beirut

Wararka naga soo garaayo magaalada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa sheegayo inuu dab weyn ka kacay Dekadda Magaaladaas oo bil ka hor uu ka dhacay qarax khasaaro xoog leh geystay.

Dabka oo ah mid si weyn ugu faafayo qeybo badan oo kamid ah Dekadda Beirut ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay bakhaaro ay ku jireen saliid iyo taayirada, waxaana cirka isku shareeray uuradda iyo qiiqa ka baxaya goobta uu dabku ka kacay.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka Lubnaan  ayaa ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu daminayo dabka.

Ilaa hadda lama soo sheegin khasaaro nafadeed oo ka dhashay dabka ka kacay Dekadda Magaalada Beirut balse waxaa jiro khasaaro maaliyadeed oo xooggan.

Dhawaan ayay ahayd markii magaaladaasi uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen 191 ruux, halka 1750 ruux ay ku dhaawacmeen, waxaana qaraxaasi sababay sun ku keydsaneyd bakhaaro ku yaala dekadda magaalada Beyruut.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here