Dad hor leh oo Soomaaliya ugu geeriyooday COVID-19 iyo kiisaska oo sii kordhay

Coronavirus2

Warbixinta maalinlaha leh ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey, xiili ay u muuqato in faafitaanka cudurka ee dalka uu kasii darayo.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay 5 qof cudurka ugu geeriyoodeen gudaha dalka Soomaaliya, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 23.

Fowzia ayaa sidoo kale shaacisay in 46 xaaladood oo cusub oo cudurka ah ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Shan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland, 41-ka kale waxay ku suganyihiin gobalka Banaadir.

Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 33 kamid ah lab yihiin, halka 13 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween ah. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa hadda ah 436 qof.

Warbixinta maanta laguma sheegin cid kasoo bogsatay cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana tirada bogsashada ay ilaa hadda taagan 10-kii qof ee horey loo shaaciyey.

Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee ugu kiisaska badan cudurka ee dalalka Bariga Afrika, marka laga yimaado dalka Jabuuti.

Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale, ayaa sidoo kale xaqiijisay in lala soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo xalay dalka dib loogu soo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here