Dadka degan Makkah oo boqolkiiba toddobaatan uu ku dhacay Coronavirus

xajka

Tijaabooyin dhowaan la sameeyey ayaa muujinaya in heerka faafitaanka cudurka Coronavirus ee dalka Sacuudiga uu aad uga sarreeyo sidii marka hore la rumeysnaa, ilo-wareedyo caafimaad ayaa sidaas u sheegay wargeyska Middle East Eye.

Sida ay ku warrameen saraakiil caafimaad oo Sacuudiyaan ah, ku dhowaad 70% dadka degan magaalada barakeysan ee Makkah ee labada milyan ah ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhacay Coronavirus, sida lagu ogaaday tijaabo magaalada laga sameeyey ayada oo dadka aan loo kala soocin inay isku arkeen astaamaha cudurka iyo in kale.

Sacuudi Carabiya ayaa waxaa illaa hadda laga diiwaan geliyey 21,402 kiis iyo 157 dhimasho oo la xiriira COVID-19. Tirooyinkan ayaa ah kuwa ugu badan lixda dal ee xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.

“Heerka faafitaanka cudurka wuxu saddex ama afar mar ka badan yahay tirada la shaaciyey,” ayuu il-wareed u sheegay wargeyska Middle East Eye.

Labadii April, Sacuudi Carabiya ayaa Bandow 24 saac ah kusoo rogtay labada magaalo ee barakeysan ee Makkah iyo iyo Medina, taasi oo qeyb ka ah dadaal lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.

Bandowga ayaa la qafiifiyey 26-kii April, kadib billowgii bisha Ramadan, hase yeeshee midka Makkah ayaa weli sidiisa ah.

Ayada oo Makkah la saaray xanibaaddii ugu adkeyd, waxaa la rumeysan yahay in magaalada barakeysan ay tahay xudunta faafitaanka cudurka ee dalka Sacuudiga.

Xajka sanadkan oo ku aaddan bisha July ayaa la rumeysan yahay in la joojin doono ama waqtigiisa lasoo gaabin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here