Dadweyne eheladoodii raadinaya oo buux dhaafiyey isbitaallada Muqdisho

eheladii qaraxii excontrol

Waxaa maanta isbitaallada Muqdisho buux dhaafiyey boqolaal shacab ah oo ka kala yimid inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadkaan ayaa raadinaya qaar ka mid ah ehelladooda oo la waayey, kadib qaraxii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Isbitaallada Madiina iyo Digfer ayey dadku isugu tageen, halkaas oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale waxaa jira dad badan badan oo nolol iyo geeri la waayey, maadaama qaraxu uu geystay dhibaato aad u ba’an, islamarkaana uu saameeyey dad badan oo rayid ahaa.

TOOS Isbitaal Digfeer ayaa laga qaadaya dhaawacyadii ugu darnaa.Dalka Turkiga ayaa loo qaadayo

Slået op af Dhalinta Tv i Lørdag den 28. december 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here