Dagaal Beledxaawo ku dhex maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ay weliyaan maleeshiyada A Madoobe

ciidamada danab2

Wararka laga helayo degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in iska hor-imaad uu shalay gelinkii dambe ku dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya ee Haramcad iyo kuwa taabaacsan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Iska hor-imaadka oo ka dhacay xuduudda Beled-Xaawo iyo Mandhera, ayaa wararka qaar ay sheegayana inay ka qeyb-galeen ciidamo Kenyan ah oo wehliyey kuwa Janan, inkasta oo taas aan la xaqiijin.

Dad ku sugan xuduudda ayaa sheegaya in rasaasta la isku w eydaarsaday barta xuduudda ee loo yaqaan PP1 iyo deegaanka Buul-Amiin.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda iska hor-imaadka billowday iyo waxa sababay midna, waxaana la sheegay in kadib iska hor-imaadka ay ciidamada Janan dib ugu laabteen gudaha Mandheera oo ay deganaayeen bilihii tegay.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland midna kama hadal iska hor-imaadkan.

Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka taagenyd xiisad tan iyo horraantii February, ayada oo sidoo kalena marar lagu dagaalamay, wixii ka dambeeyey markii Janan oo ka baxsaday xabsi guri uu kaga jiray Muqdisho uu saldhigtay magaalada Mandhera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here