Dagaal culus oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Alshabaab ku dhexmaray Buuloburte

amisom jabuti jalaqsi-8

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadagaalka oo ahaa mid foolka fool ah la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerar ka yimid dhanka Al-Shabaab.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here