Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Baay ee Koonfur Galbeed

ciidanka xoogga qaybta 60aad

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal is xigay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana socday ku dhowaad hal saac ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar dhaba gal ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo marayey agagaarka deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkaan oo uu ka dhashay khasaare kala duwan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey illaa iyo hadda waxaa weerarkaas iyo dagaalka xigay ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka tirsanaa maamulkaasi.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay, waxaana ay tilmaameen inay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya wadooyinka isku xira gobollda Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here