Dagaal culus oo ka qarxay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb2

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu halkaas ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhow Xarunta Inji ee Hooyga u ah Madaxda Ahlusunna, waxaana Goobjoogayaal ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in mar qura jawiga Magaalada uu si bedelay mararka qaarna la maqlayo jug culus.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Dhuusamareeb, waxaana aaga dagaalka uu ka socdo ee Xarunta Inji iyo Madaxtooyada Gamudug ay saakay ilaa xalay ka barakaceen dadkii Shacabka ahaa ee deganaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here