Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada AFGOOYE

ciidamada somalia

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Sahabaab weerar dhowr jiho ah ay ku qaadeen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay qeyb ka ahaayeen madaafiic ay is weydaarsadeen labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga oo ka tirsan Afgooye.

Dhinaca kale weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ay dib u laabteen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan degmada Afgooye ayaa weeraro mir ah la kulanto, waxaana khasaare uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool  degmadaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here