Dagaal khasaare balaadhan dhaliyey oo degmada Ceel Afweyn ka dhacay

war deg deg

Sida ay sheegayaan warar hordhaca oo aan ka helayno Degaamada Degmadda Ceel Afweyn waxaa dagaal aad u qadhaadhi uu halkaasi ku dhexmaray Beelaha Biciide iyo Sacad Yoonis oo horey xurgufi ugu dhexaysay.

Waxaa la soo sheegay dhimasho iyo dhaawac farabadan oo labada dhinac kala gaadhay, iyadoo dhimashada la gaadhsiinayo toban qof ku dhowaad.

Dhaawacyada aadka u culus ayaa loo qaaday cusbitaalada waaweyn ee Burco iyo Ceerigaabo.

Ma jiro war xaqiiqo ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here