Daily Nation oo sheegtay in Ciidamada Jubaland oo lasoo jebiyey oo Mandhera gabbaad ka dhigteen

0
Mandera ciidamada jubbaland

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in ciidamada wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan lagu soo jebiyey dagaalkii ay maanta xuduudda Mandhera iyo Beled-Xaawo kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in ciidamada Jubaland oo ay “usoo awood sheegteen” kuwa dowladda Soomaaliya ay gabaad kasoo dhigteen, oo hadda lagu hayo saldhigga booliska Mandhera.

Waxaa saldhigga dusha ka ilaalinaya ciidamada militariga Kenya ee KDF, sida warbixinta Daily Nation lagu sheegay.

Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay dhanka xuduuda ee Beled-Xaawo, ayaan waqti badan qaadan, kadib markii ciidanka Jubaland usoo carareen dhanka Mandhera, sida warbixinta ay tiri,

Wargeyska ayaa sheegay in askarta saldhigga la keenay, oo ay galbiyeen militariga Kenya, ay gaarayaan illaa 30 askari, oo ay wehliyaan saraakiil, wuxuuna soo bandhigay sawir muujinaya.

Illaa iyo hadda ma cadda halka uu ku dambeeyo wasiirka amniga Jubaland, iyo haddii uu weli degan yahay aagga xuduuda ee Border Point 1, oo markii hore uu gur ka kireystay.

Hase yeeshee qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Amniga ee Mandhera ayaa gabaad u raadsaday xero militari oo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin xuduudda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka Beled-Xaawo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen dagaalka maanta.

Sawirro muujinaya xaaladda Mandhera iyo ciidanka Jubaland oo soo galay saldhigga Mandhera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here