Dalal hakiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee la keenay Soomaaliya

AstraZeneca Vaccine

Dalal badan oo Yurub ah – oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain – ayaa Isniintii hakiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in qaar ka mid ah dadkii la siiyey uu dhiigga xinjiroobay.

Si kastaba, shirkadda AstraZeneca iyo nidaamiyayaasha caalamiga ah ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in tallaalka uu mas’uul ka yahay in dhiigga qofka uu xinjir noqdo.

Tallaalka AstraZeneca oo lagu sameeyey dalka UK, waa midka shalay la keenay Soomaaliya, ee hay’adaha caalamiga ah ay ugu deeqeen dowladda federaalka Soomaalliya.

Hay’adda maamusha dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa ku baaqday kulan maanta dhacaya, si dib u eegis loogu sameeyo waxyaabaha ay khubarada ka ogaadeen tallaalka AstraZeneca, iyo haddii loo baahan yahay in ficil la qaado.

Wasiirka caafimaadka Germany ayaa sheegay in go’aana lagu hakiyey tallaalka la qaatay kadib talo soo jeedin ka timid machadka Paul Ehrlich Institute ee qaabilsan sharciyeynta tallaalka, kaasi oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo toddoba kiis oo ku saabsan dad dhiigga maskaxda xinjir ka noqday markii la tallaalay.

“Go’aanka maanta waa mid taxaddar oo kaliya ah,” ayuu yiri Jens Spahn.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisa uu isticmaalka joojin doono ugu yaraan illaa maanta. Talyaaniga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay joojin ku-meel gaar ah, iyo sidoo kale si la mid ah dalalka Spain, Portugal iyo Slovenia.

Dalalka kale ee tallaalka joojiyey maalmihii tegay waxaa ku jira Denmark, Ireland, Thailand, Netherlands, Norway, Iceland, Congo iyo Bulgaria. Canada iyo UK ayaa sheegay inay sii wadi doonaan isticmaalka tallaalka

AstraZeneca ayaa sheegtay inay jiraan 37 warbixin oo ku saabsan dhiigga oo xinjir noqday, kadib markii 17 milyan oo qof ay tallaalka ku qaateen 27-ka dal ee Midowga Yurub iyo Britain. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in tallaalka uu sababo in dhiigga uu xinjir noqdo.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Hay’adda Dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa labaduba sidoo kale sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in tallaalka uu sababo dhiigga oo xinjir noqda, waxayna ku taliyeen in lasii wado isticmaalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here