Darbigii uu Trump ka dhisayay xadka Mareykanka iyo Mexico oo dumay

gidaarka trump

Waxaa burburtay qeyb cusub oo ka mid ah darbiga uu madaxweyne Donald Trump amarka ku bixiyay in laga dhiso xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico, ka dib markii ay dabeylo xoog badan ku dhufteen, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Jiingadihii birta ahaa ee darbigaas looga sameeyay magaalada Calexico ee gobolka California ayaa gabi ahaanba burburay subaxnimadii Arbacada.

Shamiitadii lagu dhajiyay jiingadahaas adag, oo middiiba ay tahay 9 mitir, ayaan wali qallalin.

Dabeysha ku dhufatay aaggaas ayaa xawaaraheeda lagu qiyaasay 30 mph (48 kiiloo mitir saacaddiiba), sida ay sheegtay waaxda qaran ee saadaasha hawada Mareykanka.

Darbigan ayaa qeyb ka ah qorshaha ilaa hadda socda ee maamulka madaxweyne Trump uu ku dhisayo xeyndaab adag oo lagu hor joogsanayo qulqulka qaxootiga xiigsanaya Mareykanka ee ka gudba xadka uu dhirirkiisu yahay 3,145 km, ee kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico.

Maalintii Talaadada, Mr Trump ayaa kulan uu ku qabtay magaalada New Jersey ku sheegay in howsha dhismaha darbiga “ay u socoto si aad u xawaare dheer”.

Laakiin hal maalin ka dib, dabeylo awood badanayaa qaatay qeyb idil oo dhawaan uun la qotomiyay. Jiingadaha ay dabeyshu fujisay ayaa ku dhacay geedaha ku yaalla waddada tagta magaalada Mexicali ee dalka Mexico, taasoo dhinaca ku heysa xuduudda.

“Nasiib wanaag, mas’uuliyiinta dhinaca Mexico ayaa durba ka war helay arrinta, waxayna islamarkiiba xal u heleen gawaaridii isticmaaleysay waddada”, sidaas waxaa yiri Carlos Pitones, oo ka mid ah saraakiisha ilaalada xadka, xilli uu la hadlayay warbaahinta LA Times.

Ma jirin burbur hantiyeed ama dhaawacyo ka dhashay dhacdadaas, sida uu sheegay Mr Pitones.

Sawirro laga soo qaaday xuduudda ayaa muujinaya shaqaalaha dhismaha oo isku dayaya inay dib u sameeyaan darbiga burburay.

Mr Trump oo sanadkii lasoo dhaafay booqday qeyb ka mid ah darbiga la dhisayo ayaa sheegay in si adag oo aan la liicin karin loo dhisay.

Mashruucan darbiga lagu dhisayo ayaa loollan lagu galiyay dhinaca sharciga, laakiin waa lasii waday, inkastoo uusan si xowli ah ku soconin.

Horaantii bishan, maamulka dhisay ilaa 100 meyl oo ka mid ah darbiga cusub. Hase ahaatee wax badan oo ka mid ah masaafahaas waxaa lagu baddalay darbigii hore.

Mr Trump ayaa qorshihiisa ku saabsan inuu adeegsado dhaqaalaha waaxda gaashaandhigga ee Pentagon-ka shaaciyay bishii February ee sanadkii hore, ka dib markii 35 maalmood lagu jiray hakadkii la galiyay howlaha dowladda, taasoo ka dhalatay markii xisbiga dimuqraaddigu ay hor istaageen dhaqaalaha uu dalbaday.

.
Maamulka Trump ayaa sheegay in qiyaastii 100 meyl oo ka mid ah darbiga la dhisay

Wuxuu madaxweynaha ku dhawaaqay xaalad qaran oo deg deg ah, isagoo ku dooday in shacabka Mareykanka ay ku jireen khatar dhinaca amniga ah oo uga imaaneysa dhanka xuduudda koonfureed.

Billowgii bishan, maxkamadda racfaanka ee Mareykanka ayaa meesha ka saartay sharci xannibayay lacag dhan $3.6bn (£2.7bn) oo loogu talagalay howlaha dhifaaca, waxayna tallaabadaasi u sahashay Trump inuu kharashkaas ku bixiyo mashruuciisa darbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here