Dastuurka, Qarannimada Somaliland iyo Go’aankii Odayadii isxilqaamay kala doorta

cirro faysal muuse

28 Sano ayaa Somaliland sheeganaysay Qaran madaxbanaan, dimoqraadiya oo xisbiyadiisii u dhan yiiin, Dastuur, xeerar iyo goleyaal Qaran oo adag sameystay oo aan la mid ahayn Soomaalida kale, laakiin hankii, faankii iyo himiladdii mudada dheer soo jiitamaysay waxaa beeniyey murankii Sadexda Xisbi iyo sida hayadihii Dastuuriga ahaa oo dhan looga talaabsaday oo Odayadu si qabiilaysan oo geed hoostiisa u dhexdhexaadiyeen, waxayna soo saareen in Gudiga doorashada Somaliland la kala diro oo gudigii hore la soo celiyo.

Waxaa nasiibdarro ah in sadexda Xisbi ay ku hadaaqaan “waxaan soo dhoweynaynaa go’aankii Odayada”, taasoo cadeynaysa ama macnaheedu yahay Somaliland ma leh Dastuur, sharciyo, Garsoor iyo Goleyaal adag oo dib loogu noqdo markii muran sharci ahi yimaado, waxaa cad in aanay u qalmin xisbiyo Qaran.

Meeday Qarannimadii, Dastuurkii iyo shuruucdii 28 sano lagu soo dhaqmayey ee lagu faanayey? Maxaa u diidaya in berito ay 15 Oday oo Reer SSC ahi intay isxilqaamaan ay ku dhawaaqaan in Somaliland ay Gooni-isutaagii ka noqoto oo walaalahooda Soomaaliyeed la midoobaan? Ma xaqbaa in xubnaha Beesha Caalamka sheegta ee Soomaaliya ku mamay laga dhegaysto Dastuurkiinii iyo xeerarkiinii burburiya oo caqliga iyo rabitaankayaga baa idiin xeer ah? Ma laysku halayn karaa Dastuurka Somaliland ee ay beel gaar ahi markay doonto ka talaabsan karto?

Waxaa ayaandarro ah in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu ku dhawaaqo waxaan aqbalay gudigii hore ee uu labada sano beenta ka sheegayey, isagoo aan wax raaligelin ah ka bixin wixii xumaan, waqti lumis iyo kala fogeyn uu shacabka Somaliland u geystay.

Shacabka Somaliland waxaa la gudboon inay gartaan inay u baahan yihiin in Xisbiyada la furo si ay u soo doortaan Xisbiyo aan beelaysnayn oo ay qabyaalada kaga baxaan iyo hogaamiyeyaal cusub.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI MAANTA WAXAA U TAAL INUU KALA DOORTO IN SOMALILAND NOQOTO DAL DASTUURKIISA IYO XEERARKIISA KU DHAQMA AMA INUU FURO ILINKA KOOFIYAD BACLEYAASHA BILAABAY INAY DASTUURKII IYO GOLEYAASHII TUURAAN OO SHARCIGA DALKA XEER BEYTI U BEDELAAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here