David Matsanga oo QM ka dalbaday in lays hor-istaago dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya

david matsanga

Guddoomiyaha Madasha Pan African David Matsanga oo ah nin Kenyan ah oo u ololeeya in la boobo badda iyo dhulka Soomaaliya, islamarkaana xilka laga tuuro Madaxweyne Farmaajo ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal xasaasi ah oo la xiriira dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee hortaalla maxkamadda ICJ.

David ayaa ah ninkii horey u sheegay inuu 95 Xildhibaan oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan uu isagu gacantiisa ku soo xulay, sida la xaqiijiyey wuxuu hadda diyaariyey liiska 200 oo xildhibaan oo soo gala baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si meesha looga saaro Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna adeegsadaa xubno isku sheega mucaarid.

David Matsanga ayaa ka dalbaday Antonio Guterres inuu u hor-istaago go’aanka maxkamadda cadaaladda ICJ ee dhageysiga dacwadda badda ee labada dal.

Matsanga ayaa sidoo kale ugu baaqay xoghayaha Qaramada Midoobay inuu u istaago baajinta dhageysiga dacwaddaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay habboon tahay in dib loo dhigo dacwadda ka furan ICJ, si looga fogaado wax kasta oo sababi kara inay kasii daraan qalalaasaha iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jira dalalka dhaca Geeska Afrika.

“Mudane Xoghaye guud waxa aan aaminsanahay marwaliba go’aanka sharciga ah ee muranka xuduud badeedda, balse waa u dagaal iyo isku dhaca geeska waxaana weli taagan Colaadda Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Matsanga.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Kenya ay ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga kiiska badda, kadib markii ay ku gacan seertay ICJ.

Kenya ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya, iyada dhinac kasta ka tuseysa Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here