Dawlada Qatar oo canbaaraysay qaraxii ka dhacay Ex-control Muqdisho

Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Dowladda Qatar oo kamid ah Wadamada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qarixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray dadka shacab ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda dalkaasi Qatar ayaa lagu sheegay in si weyn ay ugu xuntahay falkaasi oo galaaftay noloshada dad shacab ah.

“Dowladda Qatar waxay caddeynaysaa Mowqifkeedi ku Aadan in aan marnaba raali ka noqon doonin falalka sidan oo kale u dhaca, sababkasta ay jirto marna raali kamanihin in shacab la dhibaateeyo, waana cambaareynaynaa ka dowlad ahaan”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar.

Ugu dambeyntii xukuumadda Dooxa waxay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ugu tacsiyadeysay dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyadoo kuwo dhaawaca u rajeysay in ilaahay uu bogsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here