Dawlada Soomaaliya oo xilsare u magacowday wiilka C/raxmaan Yariisoow

ina yariisoow

Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xoghayaha Koowaad ee Ergayga Soomaaliya New york u Magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cusman Eng Yariisow oo ah Wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Lix cisho ka hor ayuu Wasiir Cawad Warqadaan qoray sida ku taariikheysan 30 October balse Faafinta Rasmiga ayey Galabta oo Isniin ah gashay oo Warbaahinta Dawlada lasoo geliyey.

In Muddo ah ayaa la hadal hayey xilka loo magacaabayo wiilkaan oo Jaamacad ku taalla Ingiriiska ka aflaxay wax yar ka hor geeridii Aabihiis Bishii July ee Sanadkaan.

Waxa mas’uulka cusub xilka lagu cimaamaday la leeyahay waa mid sare, balse waa uu kasoo bixi karaa jagadaas aqoontiisa dadka qaar markii ay qiimeeyeen.

Durba Hambalyo badan ayaa ku dhacaya Reerka uu ka dhintay Marxuum Yariisoow iyo Xilka Maxamed C/raxmaan Dawlada u magacowday galabta oo ah mid Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa Soomaaliya ergada u joogeysa ugu sareeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here