Dawladda Soomaaliya Gurmad agab caafimaad u soo daabushay G Sool, Sanaag iyo Cayn

diyaarad deeq daawo badan

Dawladda Soomaaliya deeq loogu talogalay Covid 19 u soo daabushay G Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo hadda ay Garoonka diyaaraha ee Degmada Badhan ay ka degtay diyaarad sida agab caafimaad.

horey waxaa magaalada Buuhoodle loo gaarsiiyey Deeq tan la mid ah iyadoo oo ay aad ugu diirsadeen shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Arintani ayaa waxay markhaati u tahay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Kheyre ay kaga dhabeeyeen balanqaadkoodii ahaa inay si toosa ula xiriirayaa shacabka midnimada Soomaaliyeed doonaya ee ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo shacabka degaamadaas ku dhaqani ay farxad balaaran ku soo dhoweynayaan deeqda ay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya u soo dirayso.

Gurmad Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid aan hore degaamadaas looga baranin, iyadoo Dawladihii hore ay ahmiyada siin jireen hargeysa iyo garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here