Degmada Dharkeynley oo ku guuleystey Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir

koobka cagta banaadir

Kooxda kubbada cagta ee degmada Dharkeenley ayaa ku guuleystay Koobka degmooyinka Gobolka Banaadir kadib ciyaartii finalka ahayd ee ay wada ciyaareen xulka degmada Waaberi.

Ciyaarta oo barbaro 0-0 ah ku dhamaatay waqtigii loogu talogalay ayaa rigoorayaal loo dhigey kadib waxaa 3-2 guusha ku raacday xulka Dharkeynley.

Xulka degmada Waaberi ayaa loo saadaalinayay koobkan iyadoo markii afaraad ee isku xigta yimid kulanka kama dambeysta ah iyagoo saddexdii sano ee la soo dhaafayna ku guuleysanayay koobkan.

Ciyaarta oo caawa la daawaday ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii loogu magac daray garoonkii hore ee Stadio Koonis allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Yariisow.

Koobabka abaalmarinta iyo billadaha ayaa waxaa guddoonsiiyay ciyaartoyda labada degmo Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowlada federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Filish.

Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here