Degmooyin ka mida Muqdisho oo salaadii Jimce laga joojiyey

masjid isbahaysiga islaamka1

Salaadda Jimcaha ayaan maanta laga oogin qaar ka mid ah masaajiddada ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada booliska ay billaabeen howl-gallo aan horey loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey.

Degmooyinka aan maanta salaadii Jimcaha laga tukan ayaa waxaa ka mid ah Wadajir, Xamarweyne, Hodan, Howl-Wadaag, Bondheere iyo degmooyin kale, waxaana la sheegay in imaamyada masaajidyada lagu wargeliyey in la xiro si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus.

Masaajiddada qaar ayaa dadkii loo diidey inay ku tukadaan waxaa ay ka sameeyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan in masaajiddada la xiro, iyaga oo sheegayay inaysan aqbaleyn.

Wasaaradda awqiifta iyo diinta ee xukuumadda Soomaaliya weli sooma saarin war rasmi ah oo ku aadan in la xiro masaajiddada, marka laga reebo inay horey u amartay in la xiro dugsiyada qur’aanka iyo goobaha diinta lagu barto sida mowlacyada.

Dhinaca kalana, warar soo baxaya, balse aan weli la xaqiijin, ayaa sheegaya in la amray milkiilayaasha maqaayadaha in ay xiraan goobahooda ganacsi, iyada oo laga baqdin qabo in dadku si fudud ay ku kala qaadaan cudurka Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Arbacadii shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus ee caalamka ku faafaya. Qofkaas ayaa ahaa qof aan dibedda dalka aadin, oo cudurka ku qaaday gudaha.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in afar qof oo ku sugan Muqdisho oo aan dalka ka bixin laga helay cudurka, ayada oo ku dhowaaqday in faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community spread) uu billowday, taasi oo soo rogi doonto halis caafimaad oo xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here