DENI OO SHAACIYAY INUU U TARTAMAYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

siciid deni 182019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan kaga dhawaaqay munaasabad casho ah oo uu xalay u sameeyay xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyanaha Puntland ayaa ugu baaqay musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya in ay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan idinla socodsiinayaa inaan u tartami doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta xilkaas u ordaysa inay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Farmaajo, islamarkaana noqdo hadafka 1aad oo laga wada shaqeeyo sidii loo taabo-gelin lahaa inuu isbedel dhaco” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaaa galabta madaxtooyada Garowe kulan gaar ah kula qaatay xildhibaannada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here