Deni oo sheegay in Villa Somalia wado doorasho dalka ku celinaysa dagaal sokeeye

siciid deni 182019

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta madaxtooyada caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe halis ah, oo lagu marin-habaabinayo doorashada madaxtinimada dalka.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay, in mudadii ay jirtay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, haatana ay waddo qorshe halis badan oo dalka dib loogu celinayo doorasho ku dhisan hannaanka 4.5, taasina aysan Puntland marnaba aqbali doonin.

Mudane Deni, ayaa sheegay in qorshahaas ay Villa Somalia waddo uu dalka u horseedayo, in dib loogu laabto wadadii Soomaaliya ku burburtay, islamarkaana uu sababi karo khilaaf ay adagtahay in dib dambe la isu’gu soo noqdo.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in heshiiskii 2016 dhexmaray Puntland iyo dowladda Federaalka lagu go’aamiyay, in aan mar dambe dib loogu laaban doorasho ku salaysan nidaamka 4.5, isagoo caddeeyay in aysan Puntland mar kale yeeli doonin nidaamkaas.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haddii lagu laabto hannaanka 4.5 uu dalka dib ugu celin doono khilaaf siyaasadeed iyo colaad keenta isku dhacyo hubaysan, oo waddanka dib uga bilowday, taasina aan sinnaba loo aqbali Karin.

Daawo hadalka Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here