DF iyo AFRICOM oo ka war bixiyey weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen

AlShabaab drone

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa war kasoo wada saaray duqeyn lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka.

Duqeyntaas ayaa ka dhacday degaan lagu magacaabo Xabaal- barbaar oo ka tirsan gobolka Bay, 3-dii bishan Abriil.

Labada qoraalba waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo howlgalka Mareykanka ee AFRICOM, waxaana lagu sheegay warkan si taxadar leh ay u dhacday, isla markaana aysan waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay sii wedi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga taxadarayo in dad shacab ah ay dhibaato kasoo gaarto.

Inta badan duqeymaha dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM ay sheegaan in ay ku dileen xubno Shabaab ah, waxaa kasoo daba yeera war sheegaya in lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaana aad u liita baaritaano ay balan qaadaan inay ku sameyn doonaan khasaaraha rayidka gaaray, waxayna dad badan ku macneeyeen in dowladdu aysan xilba iska saarin muwaadiniinta lagu duqeynayo deegaanadooda, kadibna lagu tilmaamo Al-Shabaab.

Dhawaan warbixin sanadle ah oo ka soo baxday hey’adda Amnesty ayaa lagu sheegay in sanadkan bilowga ah gudihiisa qaar ka mid ah duqeymihii ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, ay wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana warbixintaas dafirtay dowladda federaalka oo ku adkeysatay in dadkii la laayey ay Shabaab ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here