DF iyo Amisom oo si rasmi ah ugu dhowaaqday in ciidamo Amisom ah la gaynayo Dhuusamareeb

ciidamada amisom

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo taliska guud ee Amisom ayaa maanta oo jimce ah waxaa ay isku raaceen in ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Amisom la geeyo magalada Dhuusamareeb oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Galmudug.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay maanta magaalada Dhuusamareeb ay ku wada qaateen taliyaha guud ee ciidamada Amisom Ticabu Yilma oo maanta gaaray halkaas iyo xubno uu ka mid yahay wasiirka amniga Soomaaliya, iyaga oo isku raacay in ciidamo Amisom ah la geeyo magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee la geynayo Dhuusamareeb ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo ammaanka magalada Dhuusamareeb, si loo suurta geliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Ducaale ayaa shegay in ciidamadaas ay kaalin weyn ka qaadan doonaan horu-socodka Galmudug, si loo dhiso Galmudug oo mideysan iyo sidoo kale qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

Go’aankan ayaa imanaya ayada oo kooxda Ahlu-Sunna ay marar badan ku cel-celisay inaysan aqbali doonin in ciidamo Amisom ah la geeyo magaalada Dhuusomareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here