DF iyo Maamul Gobolleedyada oo ka Shiray halka laga dhisayo Garoon diyaaradeed oo cusub

wgddfsr oomar

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa galabta magaalada Muqdisho kula yeeshay Kulan Mas’uuliyiinta Maamulada HirShabelle,K/Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa ahaa mid wada xaajood laga gelayey Halka laga dhisayo Garoon Cusub maadaama uu bad ahaan Adan Cabdulle Cusmaan noqday mid aan ku filneyn Diyaaradaha Imaanaya.

Wasiir Oomaar ayaa dhageystay fikradaha Mas’uuliyiinta isagoo kadib sheegay in la diyaariyey Shaqaalihii iyo Injineeradii dhisi lahaa Garoonka Cusub.

Ma uusan carabaabin halka laga dhisayo garoonka cusub Ee diyaaradaha ee lagu badelayo midka Aadan Cade Airport oo saxmad ahaan iyo dhul ahaan ciriiri noqday.

Warar hoose oo Warqaad heshay ayaa sheegaya inay macquul tahay in laga dhiso Garoonka Diyaaradaha Cusub Aagga Jaziira qeybta ay Turkida deggan yihiin xerada ciidanka meel udhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here