DF oo amar ku soo rogtay hay’adaha ka howlgala dalka

wqdfs jamaal

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar culus ku soo rogtay hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala dalka, kaas oo la xiriira inay hay’aduhu adeegsadaan ama isticmaalaan bankiyada dalka.

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo soo saaray amarkan ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha dalka iyo dowladda dhexe ay sanadkii hore 2020-kii ku heshiiyeen in hay’aduhu ay lacagahooda dhigtaan bakiyada ku yaalla dalka, haatana la rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan-galinta hishiiskaasi.

“Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacagaha dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta hishiisyada,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta Somalia.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacago balaayiin Dollar ah ay sanadkiiba soo galaan dalka, loona baahan yahay in lala socda, sida loo maareeyo.

“Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanadkiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wasaaradda qorsheynta ay diyaarisay bar gaar ah oo loogu talal-galay in lagula socda lacagaha Dollarka ee soo galo dalka.

“Waxaan sameynay Bar lagula socdo lacagaha doolarka ee dalka la soo galiyo, halka lagu isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta sidoo kale qof kasto waxaa uu kala socon karaan Page-ka wasaaradda,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirku.

Soomaaliya ayaa waxaa ka howl-galada hay’adaha badan oo qabta shaqooyin kala duwan, hadana ma jiri jirin cid si gaar ah ula xisaabtanta oo la socota dhaq-dhaqaaqooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here