DF oo baasaboorka diblomaasiga kala noqotay Axmed Madoobe iyo xubno kale

somali diplomatic pass

Dowladda Soomaaliya ayaa baasaboorka diblomaasiga kala noqotay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Mas’uuliyiinta ay ay dowladda ka kansashay ee Jubbaland ayaa waxaa ku jira wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo xiriir dhow la leh Axmed Madoobe. Tirada xubnaha baasaboorka lagala noqday ayaa lagu warramay inay tahay 8 mas’uul.

Wararka qaar ayaa sheegaya xubnaha ay dowladda baasaboorkooda baabi’isay uu ka mid ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Tallaabadaan oo kamid ah waxyaabaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Axmed Madoobe ayaa si xooli ah u socotay tan iyo markii ay dowladda ay amartay inay Diyaradaha Kismaayo u socdo soo maraan Magaalada Muqdisho.

Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland ayaa xumaaday kadib markii uu Axmed Madoobe magaalada Kismaayo ku qabtaday doorasho aysan raali ka aheyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tan iyo markii uu khilaafka labada dhinac bilowday, dowladda dhexe ayaa qaaday dhawr tallaabo oo ay ku cadaadineyso maamulkaas.

Tallaabooyinka ay qaaday ayaa waxaa kamid ah in la joojiyey duulimaadyadii tooska u tagi jiray Kismaayo iyo 3 Maalin oo guud ahaan la joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaaladaas.

Sidoo kale waxaa la xiray Wasiirkii Amniga Dowladda Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Cadaadiska Dowladda ayaa sababay inay baaqato Xaflad Caleema saar ah oo uu Axmed Madoobe ku qabsan rabay Magaalada Kismaayo kadib markii ay Dowladda xayirtay madaxdii kasoo qeyb geli laheyd Xafladaas oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheek Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here