DF oo beenisay inuu kulan dhexmari doona Farmaajo iyo Uhuru

farmaajo uhuru iyo abiy

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay shir la sheegay inuu dhex mari doono Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu garwadeen ka yahay Ra’iisul wasaaraha dalka Itboobiya.

Cawad oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da aya waxba kama jiraan ku tilmaamay kulankaasi oo si aad ah ay hadal heysay Warbaahinta.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo qesheysan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaas oo uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulankan oo si aad ah loo hadal hayay ayaa wararku waxa ay sheegayeen inuu ka dhacayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, balse wasiir Cawad ayaa tilmaamay in wasaaraddiisu ay qaabilsantahay arrimaha dibadda, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa la been abuuray.

Dhinaca kale Wargeysyada The Nation iyo the East African ee Kenya ayaa shalay sheegay in Itoobiya ay wafdi u kala dirtay Kenya iyo Soomaaliya si xal loogu helo muranka dhul-badeedka u dhexeeya labada dal.

Maqaalka wargeyska The Nation ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Soomalida iyo kuwa Kenya uu ka soo xigtay in Abiy Axmed, oo haatan ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, uu shir u qaban doono labada madaxweyne, Uhuru Kenyatta iyo Maxamad Cabdullahi Farmajo, inkastoo aysan weli arrintan xaqiijin labada Madaxweyne.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dowladda Soomaaliya ay beenisay inuu wax isbaddel ah ku yimid mowqifkeedii ku aaddanaa dacwadda ee maxkamadda ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here