DF oo bilowday inay ciidamo ku daabusho Gobolka Gedo

ciidamada xooga

Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo Muqdisho laga qaaday ayaa galabta laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo hor dhac u ah ciidamo kale oo dowladdu ay damacsantahay in ay ku daad gureyso gobolka Gedo.

Ciidamada galabta laga dajiyay Baardheere ayaa tiro ahaan gaaraya 300 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online waxayna saraakiisha hogaaminaysa sheegeen in ay hor dhac u yihiin ciidamo kale oo lagu daabulayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in maalmaha nasoo aadan ay gaaraan halkaas.

Ciidamada ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda dooneyso inay guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Talaabadaan dowladda federaalka ay ciidamada ugu dajisay Baardheere ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, uu u yeeray guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobalka Gedo.

Qaar ka mid ah xubnahaas ay u yeertay wasaaradda arimaha gudaha ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho sida aan xogta ku helnay, waxaana lagala hadlay xubnihii soo gaaray Muqdisho fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqan galaan gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here