DF oo cambaareysay qoraal meel ka dhaca oo hayadaha ICRC iyo SRCS kasoo saareen qaraxii Ex-Control

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor-timid warbixin ay Hay’adda Laan-qeyrta Cas ee caalamiga ah iyo hay’adda Bisha cas ee Soomaaliyeed, (ICRC iyo SRCS), kasoo saareen qaraxii 28-kii December ka dhacay isgoyska Ex-Control ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ka xun tahay in in Bisha Cas iyo laan-qeyrta Cas ay weerarkaas “ku qeexeen iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.”

Qoraalka ay ka hor-timid dowladda ee kasoo baxay labadan hay’ad ayaa u dhignaa sidan: “Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan [Ex-Control]. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo. Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah. Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah kormeera hawlgallada ICRC ee caasimadda Soomaaliya.

“Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.”

Wasaaradda warfafainta ayaa ugu baaqday Hay’adaha ICRC iyo SRCS “inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca”, sababtoo ah bay tiri wasaaradda “hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,”

“Qoraalka ayaan intaas ku daray “Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.”

Sidaas daraadeedna, baa la yiri “ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.”

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay war-murtiyeedkii kasoo baxay golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii dec. 2019 kulan dag dag ah ka yeeshay weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galaybsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here