DF oo ciidamada Gor-gor ku xoojisay amaanka Dhuusamareeb

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas laga dajiyey diyaarad siday ciidamo.

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 60 Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayo in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada laga dajiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada ay xalay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda uu rasaaseeyey Shiikh Shaakir iyo ilaaladiisa.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here