DF oo ciidamo hor leh geysay degmada xuduuda ee Beled-Xaawo

gorgor guurada-6

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo geysay Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo qeyb ka ahaa ciidamo ay dhawaan ka dejisay gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay degmada Beled-Xaawo, kadib markii ay ka ambabaxeen degmada Doolow ee Gedo, halkaasi oo ay diyaarad uga dejisay dowladda federaalka Soomaaliya

Ciidamadaan oo badankooda ka tirsan NISA ayaa waxaa dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen siyaasiyiinta iyo madaxda kasoo horjeeda dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Waxaa degmada Beled-Xaawo ciidamadaan si weyn ugu soo dhaweeyay qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada Degmadaas, ayada oo ay ku wehlinayeen ciidamadaan Taliyaha Howl-galinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda, Bakaal Kooke oo ay wehlinayeen Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, Cabdiqadir Cumar Biixi iyo Saraakiil kale.

Ciidamadaan ay dowladda ku daabushay gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn uga horyimid maamulka Jubbaland oo ay dowladda isku hayaan gobolkaas, oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here