DF oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay ICAO kadib diyaaradii tagtay Kismaayo

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay maanta ka degtay magaalada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay waraaq u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in nooca diyaaradda maanta tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways.

Dowladda ayaa sidoo kale ay suurta-gal tahay inay tallaabo ka qaado shirkadda Jubba Airways.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar ay Kismaayo uga mamnuucday duulimaadyada aan soo marin magaalada Muqdisho, taasi oo diyaaraddii maanta tagtay Kismaayo ay jebisay.

Diyaaradan ayaa Jubaland ugu talo gashay inay kusoo daabusho madaxda loo diiday inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Dacwada ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada u gudbisay ICAO ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ee ka dhan ah dowladda Kenya oo ay Soomaaliya u gudbiso Qarramada Midoobey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here