DF oo diiwaan-gelisay kiisas COVID-19 ah oo aad u badan iyo dhimashada oo korortay

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19, halka Sedax bukaan oo cusub ay cudurka ugu geeriyoodeen gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay yihiin, halka 22-na ay yihiin haween.

Saddex qof oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka, sida ay sheegtay wasaaradda.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 qof. 31 qof oo kale ayaana u geeriyooday.

Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here