DF oo diyaarado hub iyo ciidamo farabadan ugu daabushay Dhuusamareeb

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa degen caawa kadib markii maanta uu ku dhex maray iska hor-imaad hubeysan ciidamada dowlada federalka ay geysay Dhuusamareeb iyo Maleeshiyada Ahlu Sunna.

Inkastoo ay degen tahay xaalada magaalada hadana waxaa wararka ay sheegayaan in la maqlayo rasaas teel teel ah. Ganacsiga magaalada ee wadooyinka waaweyn ayaa intabadan xiran, iyadoo laga cabsi qabo in markale uu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada federalka Soomaaliya ay Ciidamo iyo hub ugu diyaarado ugu daadgureysay.

Waxaa adag in ciidamo aan kuwa Dawladda ahayni ay magaalada soo galaan,maadaama ay fariisimo badan ay ka sameysteen ciidamada dowlada wadooyinka laga soo galo magaalada.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada iyadoo iskahorimaadka maanta dhacay ay ku dhinteen dad gaaraya toban ruux halka labaatan kalana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here