DF oo diyaarisay qalab casri ah oo dagaal adag lagula galo Ayaxa oo dhib weyn ku hayo dalka

wasiirka beeraha siciid xuseen ciid

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto qorsheyaal lagu dagaallamayo Ayaxa oo ay sheegtay in uu dhibaato badan ku hayo Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Ayaxa ay ku dagaallami doonto diyaarado iyo Qalab Casri ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la diyaariyay Koox gaar ah oo ka shaqeyn doonta Goobaha uu ku fadhiistay Ayaxu.

Waxaa uu sheegay in la hirgaliyay goobo gaar ah oo loogu tala galay in ay howlgallaan Kooxaha loo diyaariyay in ay la dagaallamaan Ayaxa.

Soomaaliya ayaa dhawaan ka mid noqotay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa, iyadoo ay Soomaaliya iska dhiibtay qaraankii lagu laha mudadii ay ururkan ka maqneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here