DF oo fulisay ballan-qaad ay horey ugu sameysay shacabka magaalada Muqdisho

muqdisho no4

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka  ayaa xalay furay jidad hor leh oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Isgoysyada dhagxaanta laga qaaday oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha ayaa waxaa ka mid ah, Sanca, Jardiinka, Siinaay Folorenza, Bakaaraha, Sheekh Cali Suufi, Tarabuunka, Seybiyaano iyo kuwo kale.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah ballan-qaad ay horey u sameysay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, walow lala soo daahay fulinta ballan-qaadkan oo ku soo aaday, xilli uu sii dhamaanayo mudo xileedka dowladda.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in dhagxaanta laga qaaday isgoys-yadaasi lagu xiray kuwa kale oo ku yaalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Meelaha la dhigay waxaa ka mid ah isgoyska Ifka Xalane, xaruntii Telefishinka oo u dhow isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meelo oo ka mid ah Warshadaha.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Muqdisho uu ka socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogan iyo diyaar garow loogu jiro doorashada 2020/21.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada ammaanka ay qaadeen dhagxaantii ku xirneyd qaar ka mid ah waddooyinka dhex-mara degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here