DF oo howlgelisay Guddiyada doorashada oo Puntland iyo Jubbaland ka maqan yihiin

gudiga doorashada 2021

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta howlgeliyey xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada 2020/2021-ka, ayada oo ay ka maqan yihiin Jubaland iyo Puntland.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeyey ay si rasmi ah u howl-galeen guddiyadaasi.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay ka shaqeeyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorashada cadaalad oo dhinacyada oo dhan ay u siman yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku saleysan, kana tarjumeysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%.

“Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba xubnaha guddiyadan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedo musharraxiinta mucaaradka oo shaaciyey in aysan ku kalsooneyn guddiyadaasi.

Waxaa sidoo kale, xubnaha la howlgeliyey ayaa waxaa ka maqan kuwii ay soo magacaabeen Jubaland iyo Puntland oo aan weli iman magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul goboleed.

Jubaland iyo Puntland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiyada doorasho ee heer federal, hase yeeshee weli uma soo dirin Muqdisho, ayaga oo aan ku qanacsaneyn qaar ka mid ah xubnaha ay soo magacowday dowladda, oo lagu sheegay inay ku jiraan sirdoonka.

Labadan maamul ayaan sidoo kale magacaabin xubnaha guddiyada doorasho ee heer gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here