DF oo ka jawaabtay go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga

astaanta soomaaliya

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Dubbe ayaa shaaciyey in aysan Kenya xeri karin labadaasi xero, ayna qasab kusoo celin karin qaxootiga Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay ku joogaan sharci caalami ah.

“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga,” ayuu wareysiga uu siiyey BBCida ku yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya ay siyaasadeyneyso arrimaha bani’aadanimada, islamarkaana ay wado aargoosi, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis badda ee maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay, Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Kenya ay dan badan ku qabto qaxootiga deggan dalkeeda, islamarkaana ay ku hesho dhaqaale xoog leh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Kenya ay shaacisay in labo todobaad, kaddib ay albaabda isugu dhufan doonto xeryaha qaxootiga ee Dhahdhaab iyo Kaakuma ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here